Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shirkii ugu horreeyay ee ” Italophony”

Rome(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeybgalay shirkii ugu horeeyay ee heer caalami ah ee ” Italophony” oo lagu qabtay Villa Madama ee magaalada Rome.

Shirkani ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo kaalinta heer caalami ee Afka Talyaaniga, iyadoo la kulminayo dalal iyo hay’ado si loo dhiirrigeliyo iskaashiga, dhaqanka, iyo horumar wadaagga.

Shirka oo abaabulkiisu leeyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Mudane Antonio Tajani, oo kaashanaya Marwo Anna Maria Bernini, Wasiirka Jaamacadaha iyo Cilmi-baarista, Mudane Andrea Riccardi, Guddoomiyaha Ururka (Società Dante Alighieri), iyo Marwo Paola Frassinetti, Kaaliyaha Wasiirka Waxbarashada, ayaa waxa ay madashani ka dhiggan tahay mid heer caalami ah oo ujeedkeedu daaranyahay wadahadalka, is-dhaafsiga dhaqanka, iyo xoojinta iskaashiga.

Intii uu shirku socday, ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay yagleelidda ururka (Italophony) si kor loogu qaado iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqan iyo dhaqaale , loona horumariyo Afka Talyaaniga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa kulan doceed kula yeeshay madasha, dhiggiisa Talyaaniga, Mudane Antonio Tajani, oo diiradda lagu saarray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka, horumarinta hindiseyaasha waxbarasho iyo dhaqan, iyo soo banbixinta fursadaha iskaashi ee maamulka iyo horumarinta.