Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah gaaray Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo meertada 51aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirka oo furmaya beri oo Sabti ah, ayaa diiradda lagu saarri doonaa xoojinta howl-qabadka wadajirka ee islaamka iyo isku-dubbaridka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Waxaa sidoo kale lagaga wada hadli doonaa xaaladaha muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka ee saamaynta ku leh dunida Islaamka.

Jamhuuriyadda Turkiga ayaa martigelinaysa kulanka si ay u garab istaagto dadaallada OIC ee ku aaddan xoojinya midnimada dowladaha xubnaha ah iyo la tacaalidda caqabadaha wadaagga ah ee heer gobol iyo heer caalami.