Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Hungary kala hadlay fursado waxbarasho oo loo fidiyo ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qaxay Ukraine

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay maanta oo ah Arbaco Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Hungary, Mudane Péter Szijjártó.

Wasiir Cabdisaciid ayaa yiri ” waxaa ii farxad ah inaan la hadlo Mudane Péter Szijjártó, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Hungary oo ii damaanad qaaday in ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashadooda u hakatay qalalaasaha Ukraine la siin doono fursado waxbarashadooda ay uga sii wataan Jaamacadaha Hungary iyo deganaansho”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Waxa aan ku heshiinnay in si dhow ula socodsiiyo Wasiir Péter Szijjártó xaaladda ardayda Soomaaliyeed iyo arrimaha kale ee la xiriira. Waxa aan hiigsanaynaa inaan sare u qaadno , qota-dheereyno iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hungary”.