Wasiirka Arrimaha Dibadda oo warqadaha aqoonsiga danjirennimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Masar

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirennimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Masar, Mudane Mohamed Salah Hassan Keshtah.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Safiirka Cusub, una rajeeyay in uu guulo ka gaaro howlaha diblomaasiyadeed ee loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaliya iyo Masar.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay la diyaar tahay fududaynta howlaha looga baahdo si ay u suurtagasho in Safiirku ku guulaysto waajibaadkiisa, lana xoojiyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.