Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Gobollada Midoobay ee Mexico, Mudane Alejandro Ives Estivill Castro.
Wasiir Cabdisalaan ayaa u rajeeyay safiirka inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday, iyo xoojinta iyo ballaarinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah ee Soomaaliya iyo Mexico, isagoo carabaabay in falgalka diblomaasiyadeed ee cusub uu daaha ka qaadi doono wadashaqayn sal-ballaaran, ujeedkeeduna yahay dhisidda wax-wadaag xooggan oo sare-u-qaadaya nabadda, amniga iyo kobaca waara.