Wasiirka arrimaha dibadda oo wadahadal Teleefanka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, si ay uga wada hadlaan dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo sii deynta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25.

Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii deynta degdegga ah ee dadka la haysto.

Labada wasiir ayaa sidoo kale isku raacay in la sii wado wada shaqeyn iyo xiriir dhow oo la yeesho ilaa arrintan xal laga gaarayo.

Intii uu socday wada hadalka, labada dhinac waxay muujiyeen qanacsanaanta ay ka qabaan horumarka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo ka shaqeynta danaha wadaagga ah ee labada dal.