Wasiirka arrimaha dibadda oo sagootiyey danjiraha Masar oo muddo xileedkiisu idlaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz, oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay tixgelinta uu u haayo Danjire El-Baz dadaalkiisa daacadnimada leh ee uu ku xoojiyay xiriirka labo geesoodka, korna ugu qaaday is-fahan is-dhaafsiga labada dal, isaga oo u rajeeyey guul iyo barwaaqo joogto ah dhammaan howlihiisa mustaqbalka.