Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay xafiiskiisa, safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Suleiman Dedefo Woshe.
Wasiirka ayaa u rajeeyay Danjire Woshe inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si kor loogu qaado xiriirka dhow iyo isfahamka labada dhinac.