Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa booqday xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Baqdaad oo caasimad u ah dalka Ciraaq.

Booqashada wasiirka ayaa qeyb ka ah la socodka dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo howlaha muhiimka ah ee ay safaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Wasiirka waxaa xarunta safaaradda si diirran ugu soo dhoweeyay Siihayaha Safaaradda, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed, oo warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee safaaradda iyo adeegyada ay bixiso.

Wasiir Abdisalaan oo hoggaaminaya wafdi ayaa lagu wadaa inuu magaaladaasi kaga qeybgalo Shirka heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka Carbeed ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, kaas oo la qorsheeyay inuu furmo 17 May.