Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybgalay Shirka Heer Wasiir ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Addis ababa:-Mudane Cabdisalaan Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka qaybgalay shirka heer wasiir ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC) oo lagu qabtay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee gobolka, gaar ahaan hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo xaaladda sii cakiran ee dalka Suudaan.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey hoggaanka Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku deeqay doorka muuqda ee ay ka qaateen taageerada hawlgalka AUSSOM, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga si loo xoojiyo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay muhiimadda doorashooyinka qof iyo cod ee dhowaan ka qabsoomay Muqdisho, isaga oo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Dhankiisa, wuxuu muujiyey qaddarin ku aaddan doorashada Soomaaliya loogu doortay xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, taas oo uu ku tilmaamay fursad muhiim ah oo Soomaaliya uga qayb qaadan karto go’aan-qaadashada arrimaha nabadda iyo amniga ee qaaradda.