Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa ka guddoomay Nuqul kamid ah Waraaqaha Aqoonsiga (Letters of Credence), Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Danjiraha Aan Caadi Ahayn iyo Wakiil Awood Buuxda Leh.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdisalaam wuxuu si diirran u soo dhaweeyay Danjire Maxamed Alim, isagoo oo sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga iyo iskaashiga Dhaqanka.

 

FB_IMG_1785665487783.jpgFB_IMG_1785665485233.jpgFB_IMG_1785665483106.jpg