Addis Ababa: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, si uu uga qayb-galo Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, kaas oo lagu wado in uu si rasmi ah uga furmi doono berri Xarunta Midowga Afrika.
Inta uu shirku socdo, Wasiirku waxa uu kulamo laba-geesood ah la yeelan doonaa dhiggiisa madaxda dalalka Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono horumarinta arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, gaar ahaan nabadda iyo amniga, iskaashiga gobolka, iyo horumarka waara.
Shir-Madaxeedka sannadkan waxa uu ku qabsoomayaa halku-dhigga ah, Helitaanka Biyo Joogto ah iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Amman ah si loo Gaaro Yoolalka Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, iyadoo la muujinayo muhiimadda istiraatiijiga ah ee badqabka biyaha iyo fayadhowrka, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka waara iyo barwaaqada qaaradda Afrika.


