Wasiirka Arrimaha Dibadda oo bogaadiyay wadatashiyada la xiriira siyaasadda Qaran ee qurbajoogta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa bogaadiyay qaabka uu ku socdo hannaanka wadatashiga si loo dhameystiro Siyaasadda Qurbajoogta Qaranka Soomaaliyeed.

Lataliyeyaal iyo xirfadlayaal ka tirsan waaxda Qurbajoogga, taageerana ka helayay Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM), ayaa kulan wadatashi ah waxaa ay 3-dii bishan August la yeesheen 13 Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo arrimaha qurbajoogta ay khusayso, waxaana ay sidoo kale shir ku qabteen isla 21-kii bishan August Magaalada Beydhabo, oo ay latashiyo la sameeyeen qurbajoogta kala duwan ee dib ugu soo laabtay dowlad goboleedka Koonfur galbeed, iyadoo la uruuriyay aragtidooda ku aaddan siyaasadda qaran ee qurbajoogta.

Agaasimaha waaxda Qurbajoogga, Mudane Maxamed Ibraahim Cawaale, ayaa sheegay in kooxdiisu ay sii wadi doonto kulammada wadatashiga ee ay la yeelanayaan dhammaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee kala duwan ee soo laabanaya iyo dadka saamaynta bulshada ku leh, oo ay ka mid yihiin culimada, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, aqoonyahannada iyo ururrada jaaliyadaha, ayna safarro ku kala mari doonaan dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sida Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay uruurinaysaa aragtiyada kala duwan ee dhinacyada wadatashiga lala sameeyay iyo kuwa lala yeelan doono si siyaasadda qaran ee qurbajoogta u noqoto mid dhinac kasta ka dhammaystiran kahor inta aan la hordhigin Golaha Wasiirrada oo falanqeyn kadib ku soo saara oggolaansho rasmi ah.