Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan la yeesahay Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka)–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda  Suudaan u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Abdelrahman Khalil Effendi.

 

Labada Mas’uul ayaa ayaa carabka ku adkeeyay taageerada buuxda ee ay u hayaan Madaxbannaanida, Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Labada Dal.

 

Waxay sidoo kale sheegeen, isla markaana isku raaceen in la adkeeyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyo ballaarinta Iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin.

 

Intii uu kulanku socday, Labada dhinac waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha iyo horumarrada ka jira Gobolka iyo Caalamka.