Wasiirka Arr. Gudaha XFS Oo Kormeeray Xarunta Hay’adda Qaxootiga Qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, isagoo warbixin la xiriirta xaaladda Barakaca dalka iyo qorsheyaasha Hay’adda u deggan ka dhageystay mas’uuliyiin ay hoggaamineyso guddoomiyahooda Aamina Saciid.

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu Hay’adda ku adkeeyey in howlaha hortabintu leh ay noqdaan sidii looga jawaabi lahaa baahida ilaa 2.97 milyan oo barakacyaal Soomaali ah isaga oo intaa raaciyey in Wasaaraddu ahmiyad gaar ah siineyso wax kaqabashada xaaladda Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Shirka kadib, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta Hay’adda ayaa u kuurgalay habka diiwaangelinta Baracayaasha isaga oo booqday goobaha ay ka socoto diiwaangelintoodu.