Wasiirka Amniga XFS”Muqdisho ma jirto maalin ay ka amni badan tahay maanta,

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Farataag oo ka qeybgalay kulan u qabsoomay Hey’adda Socdaalka ayaa sheegay in xilligaan ay jiraan ifafaallo wanaagsan oo ka muuqda gudaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in dowladda ay dadaal xoogan ku bixisay nabad ku soo dabbaalidda dalka iyo guud ahaan horumarinta hey’adaha dowladda ee u xilsaaran samatibixinta bulshada.

Wasiirka ayaa qiray in ay muuqdaan caalamo muujinaya dib u soo kabashada dadka iyo dalka,isagoo intaa raaciyay ka dowad ahaan in ay xoogga saarayaan soo celinta amniga iyo la dagaalanka khawaarijta.

“Muqdisho ma jirto maalin ay ka amni badan tahay maanta,khawaarijtana waxaa laga suuliyey meelo badan oo ka mid ah dalka,”ayuu yiri Wasiir Fartaag.