Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tartan Qur’aanka Kariimka ah oo loo qabtay qaar kamid ah ciidanka boliiska Soomaaliyeed, kana socday Dugsiga Tababarka Boliiska ee S/Guuto Kaahiye.
Munaasabadda soo xiritaanka tartankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta JFS, xildhibaano, iyo marti sharaf kale oo ka socotay dowladda iyo bulshada rayidka.
Ujeedka tartankan Qur’aanka Kariimka ah ayaa ahaa in sare loo qaado wacyiga iyo akhlaaqda ciidanka boliiska Soomaaliyeed, iyada oo darajooyin lagu abaalmariyay askarta Xafidul Qur’aanka ah.