Wasiirka amniga XFS oo Muqdisho ka furay shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.

Shirka oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa aad loogu lafo guri doonaa qorshaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee shanta sano ee soo socota, sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay shacabka u hayso, ilaalinta xogta shakhsiga iyo amniga Qaranka.

Wasiirka Amniga ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka, dedaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen shaqada isla markaana ay sii laba jiraan.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in hay’addu ku tallaabsatay isbeddel iyo horumar lataaban karo oo ay ku dabooshay baahiyaha socdaal iyo adeegga baasaboor bixinta dalka.