Wasiirka Amniga XFS oo kulan la qaatay Danjire Souef Mohamed El-Amine

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Africa ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine.

Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta, taageerada joogtada ah iyo tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inta lagu jiro marxaladda kala guurka ah ee ATMIS.

“Waxaan u kuur-galnay arrinta amniga Muqdisho, kaas oo looga gol-leeyahay in kor loogu qaado ammaanka guud ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe)

Dhanka kale wasiirka Amniga XFS oo shalay xarunta safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya kulan la qaatay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Fei Shengchao ayaa kala hadlay xoojinta boliiska, kahortagga argagixisada, taageerada dadaallada amniga ee socda.