Wasiirka Amniga XFS oo ka qayb galay shirka Wasiiradda Arrimaha Guddaha iyo Amniga Dalalka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xil. Cabdullahi Maxamad Nuur iyo Wafdi Uu hogaaminaayo ayaa dalka Tuniisiya kaga qeyb-galay shirka 39-Aad ee Golaha Wasiirada arimaha gudaha iyo Amniga Carabta.

Wasiirka ayaa inta uu shirka socday kulamo la Yeeshay Madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, Wasiirka Arimaha gudaha Masar, Mahmoud Tawfik , Wasiirka arimaha gudaha iraq Othman Al-Ghanmi, Xoghayaha guud ee golaha Wasiirada arimaha gudaha carabta, Dr. Mohammed Bin Ali Koman iyo Masuuliyiin kale.