Wasiirka Amniga oo warbixino ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga iyo Booliiska

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiir Dr. Maxamad Doodishe ayaa Warbixin guud ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yusuf Raage kuna saabsaneday hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaannada kala duwan ee dalka.

Kulanka waxaa kaqeeb-galay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Cabdi xasan maxamad Xijaar wuxuu Soo Bandhigay qorshaha xasilinta iyo la wareegidda amniga deegaannada la xureeyay.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Waxaa ka go’an sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni lagu kalsoon yahay.