Wasiirka amniga oo qaabilay safiirka Shiinaha

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Yu Wang, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Amniga ee ka dhaxeeya labada dal.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidanka amniga, iyadoo diiradda la saarayo dhisidda awoodda ciidamada amniga, bixinta qalabka iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wadata, taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.

Danjiraha ayaa dhankiisa sheegay in Dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya ee dhinaca amniga gaar ahaan hay’adda miino baarista Soomaaliyeed iyo tayeynta shaqaalaha ka hawlgala hay’ada Miina Baarista.