Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Gudoomiyey Shirka Gollaha Amniga Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Baay, Sarakiisha Laamaha Amniga Booliska, Mileteriga, Nabad Sugida, ATMIS iyo Saraakiil Ka socday Dowladda Ingiriiska.
Shirka Waxaa looga hadlay Xoojinta Howlgalada lagu soo afjaraayo kooxaha Argigixisada ee dhibaateeya Shacabka.
Wasiirka Amniga dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa u mahadceliyey Ciidamada qeybahooda kala duwan ka qeybqaadashada sugida amniga Deeganada Koonfur Galbeed waxana Saraakisha uu Faray in loo diyaar garoobo Howlgallo ka dhan ah Argigixisada Al-shabaab.