Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Amniga Gudaha XJFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa Maanta Guddoomiyay Shirki Amniga oo ka dhacay Magaalada Laascaanood
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowlad-Gobolleedka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Amniga iyo Diyaargarowga Munaasabadda Caleema-Saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo Ku-Xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo Amni buuxa inta ay Munaasabadda socoto.


