Wasiirka Amniga Gudaha XJFS oo guddoomiyay Shir ay yeesheen Guddiga Heer Qaran ee la-dagaallanka Tahriibinta iyo ka Ganacsiga Dadka

Muqdisho (Wargeyska Dalka):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Guddoomiyay Shir ay yeesheen Guddi Heer Qaran ah oo dhowaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, kuwaas oo ka shaqeynaya Arrimaha la-Dagaallanka Tahriibinta iyo ka Ganacsiga Dadka.

Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo Tahriibinta iyo ka Ganacsiga Dadka, iyo xoojinta Iskaashiga Hay’adaha Dowladda ee ku Howlan Arrimahan.