Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxa uu kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iskaashiga dhinaca nabadgelyada kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya Mudane Onesimus Kipchumba Murkomen.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.