Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay Wehliyaan Wasiro Dowlah Wasaradda Iyo Agsimaha Guud ee Wasaradda ayaa kormeeray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jisniyadaha, halkaas oo uu kulamo kula qaatay Agaasinka iyo howlwadeennada Hay’adda.
Wasiirka ayaa kula dar-daarmay Saraakiisha iyo Agaasinka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed in ay dar-dar galiyaan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.