Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr Cabdullahi Bin Salem Al Nuaimi.

Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka Amniga oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah, iyada oo ay muhiim tahay in Wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga Wasaaradda.