Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socday hay’adaha Dowladda Federaalka, howlgalka taageerista iyo xasillinta Midowga Afrika (AUSSOM), iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa ujeeddadiisu ahayd wadatashi ku saabsan dardargelinta howlgalka AUSSOM iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee ka shaqeynaya amniga iyo xasilloonida dalka.