Wasiirada Sacuudiga oo cambaareeyay xasuuqa Israel ay ku heyso shacabka Falastiin

Golaha Wasiirada Dalka Sacuudi Carabiya ayaa cambaareeyay sii socoshada xasuuqa Israel ay ku heyso shacabka reer Falastiin ee ku sugan Deegaanada Gaza.

Kalfadhigga Golaha oo uu shirguddoominaayey Dhaxal sugaha ahna Ra’iisul Wasaare Maxamed Bin Salmaan ayaa mar kale ku celiyay dalabkooda ku aaddan in la helo xabbad-joojin degdeg ah oo noqota mid joogto ah iyo in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan hubaysnayn,kuna nool dhulka la haysto ee Falastiin.

Goluhu waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dhaqaajiyo hababka isla xisaabtanka caalamiga ah ee xadgudubyada joogtada ah ee Israel ,kuwaas oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, bini’aadanimada iyo qaraarada Qaramada Midoobay.

Hadaladaan ka soo yeeray Sacuudi Carabiya ayaa yimid xilli ugu yaraan 48 qof oo Falastiin ah lagu dilay saddex weerar oo cirka ah,kuwaas oo Israa’iil ay fulisay wax ka yar hal saac Talaadadii.

25 qof ayaa lagu dilay iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ku yaal bartamaha aagga Nuseirat ee Gaza, halka 18 kale lagu dilay koonfurta Khan Younis,waxaana sidoo kale shan qof lagu dilay Beit Lahiya ee waqooyiga Gaza, sida ay wararku sheegayaan.

Ugu yaraan 38,713 qof ayaa la dilay ,89,166 waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.