Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulmay

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan la qaadatay dhigeeda Dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges.

Wasiirka ayaa dhigeeda Itoobiya ugu hambalyeesay xubin-nimada guddiga golaha 41-aad ee hay’adda Duulista adduunka ee ICAO, kaddib markii shalay shir weynaha 41aad ee hay’adda Duulista adduunka (ICAO) loogu doortay xubin ka tirsan golaha.

Sidoo kale, waxaa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada labada dal, iyadoo Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ay boggaadisay dadaallada lagu horumariyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan farsamo oo diirrada lagu saaray iskaashiga iyo wadaaga xirfadaha iyo horumarinta adeegyada Gaadiidka la qaadatay wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya.