Wasiirada cusub ee wasaaradaha arrimaha gudaha iyo warfaafinta XFS oo xilalka la wareegay

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirkii hore Jen.Mukhtaar Xuseen Afrax.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amb.Cabdixakiim Xasan Ashkir ,Wasiiru Dowlaha Mudane. Ilyaas Cali Xasan iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Mudane Isxaaq Maxamed Maxamuud.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Jen.Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa uga mahadceliyay dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda sida wanagsan ee ula soo shaqeyeen intii uu joogay Wasaaradda.

Dhanka kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac iyo wasiirkii hore Senator Cusmaan Obokor Dubbe.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiir ku xigeenka wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, agaasima waaxeedyada wasaaradda, shaqaalaha iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa Wasiirkii hore uga mahad naqay shaqadii qiimaha badnayd ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo qabtay, isagoo Wasiirka cusub Alle uga baryey in shaqada u fududeyo.