Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa ka qeyb galay, khudbadna kajeediyey kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Wasiirka ayaa bogaadin iyo dardaaran u jeediyay Xubnaha Golaha oo yeeshay kulanka 2-aad Kal-fadhigiisa 1-aad isaga oo kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya, isla markaana ay dardargeliyaan howlaha dhiman.