Wasiir Xasan Macallin” Casuumaadda rasmiga ah ee shirka 15-ka bishan way gaartay mas’uuliyiintii loogu talagalay”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Shirka Wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay Shirka Wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa muujiyay muhiimadda uu shirkan u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed asaga oo xaqiijiyey in casuumaad rasmi ah loo diray dhammaan madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si ay uga soo qaybgalaan shirka loona helo wada-tashi dhab ah oo sal u noqda mustaqbalka siyaasadeed iyo midka dastuuriga ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay 1-dii bishan Juun Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, kaas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.