Wasiir Xagaa: ku Biirista Soomaaliya ee EAC waxay faa’iido u tahay Shacabka Soomaaliyeed

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa oo maanta la haday Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ku biirista dowladda Soomaaliya ku biirtay Ururka Iskaashiga dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika ay wax weyn ka tari doonto Socdaalka iyo ganacsiga.

Wasiir Xagaa ayaa sidoo kale sheegay in ay kordhi doonaan Dadka socdaalka ah ee Soomaaliya imaanaya kuwaas oo kala ah maalgashadayaal iyo Dalxiiseyaal.

Sidoo kale Wasiirka Maxamed Cali Xagaa ayaa xusay in ay wax weyn ka tarayso dhanka Amniga iyo amaanada dalkeena.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa xusay in ay kor u qaadi doonti wax weyn na ka tari doonto tayada Passportka Soomaaliya qof kasta oo Soomaali ahna u baahan doonin Passport ajaanib ah.