Wasiir Wasaaradda Amniga XFS General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Safiirka Dowladda Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga iyo Badaha Soomaaliya

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya, Mudane Kang Hyung-shik, waxaana kulankaan Wasiirka ku wehliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Jeneraal Sulub Axmed Firin, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya ee dhinacyada Amniga Badaha, Horumarinta Hay’adaha Amniga, la-dagaallanka Burcad-Badeedda, iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay Tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo taageerada Farsamo.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfurta Kuuriya taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta Iskaashiga Labada Dal si loo horumariyo Amniga, Nabadda iyo xasilloonida.