Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa Jaamacadda Jobkey ka guddoomay deeq waxbarasho oo ka kooban 20 kursi, taas oo loogu talagalay in lagu taageero horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda.
Munaasabadda lagu wareejinayay deeqda waxbarasho ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Madaxa Xiriirka Dadweynaha (PR) ee Jaamacadda Jobkey, kaas oo Wasiirka faahfaahin ka siiyay deeqda waxbarasho, tirada kuraasta, noocyada waxbarasho ee ay ka kooban tahay iyo fursadaha ay u abuureyso ka-faa’iideystayaasha.
Madaxa Xiriirka Dadweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in deeqdan ay qeyb ka tahay dadaallada Jaamacadda Jobkey ay ku taageereyso kobcinta aqoonta iyo tayeynta xirfadaha shaqaalaha hay’adaha dowladda.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, oo munaasabadda ka jeediyay hadal kooban ayaa uga mahadceliyay maamulka Jaamacadda Jobkey deeqdan waxbarasho, isagoo bogaadiyay doorka ay jaamacaddu ka qaadaneyso horumarinta aqoonta iyo tayeynta awoodda shaqaalaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo xarumaha waxbarashada sare, gaar ahaan dhinacyada kor u qaadista aqoonta iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha.
Deeqdan waxbarasho oo ka kooban 20 kursi ayaa la filayaa inay gacan ka geysato sare u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.






