Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga uga qeyb galay shir looga hadlay fududeenta adeegyada Xajka.
Shirkaan uu shir Guddoominayey Wasiirka Xajka iyo Cimrada Boqortooyada Sacuudiga Dr Towfiiq Al-Rabiic waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Diinta ee dalalka Islaamka, inta uu socday shirka waxaa looga dooday qaabka ugu sahlan ee loo fududeen karo adeegyada Xajka, sida Caafimaad, Warbaahinta iyo kor u qaadida wacyigalinta Xujayda.
Dowladda Sacuudiga ayaa balan qaaday inay fududeen doonaan adeegyada Xujayda inta ay ku jiraan acmaasha Xajka.