Wasiir Maxamed Barre oo magacaabay guddiga qaban qaabada Ciyaaraha DG, SSC Khaatumo & gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Ciyaaraha Dowlad Gobaleedyada, SSC Khaatumo iyo Gobolka Banaadir 2023-2024.

Guddigaan uu maanta magacaabay Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka shaqeyn doona qaban qaabada tartankaan oo lagu wado in magaalada Muqdisho lagu qabto bartamaha bisha December ee 2023.

Guddiga ayaa ka kooban todobo xubnood kuwaas oo ay ku jiraan guddoomiyaha guddiga oo loo magacaabay Cabdiraxiin Warsame Diiriye, halka guddoomiye ku xigeenka guddiga laga dhigay Axmed Faarax Taqal.