Wasiir Maareeye ”Waxaan Qudaar iyo 10-kun oo Dollar soo gaarsiinay dadkii ku dhaawacmey weerarkii khawaarijta ee Liido”.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareey) oo kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay yalaan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta ee xeebta liido ayaa Xubnaha Guddiga gurmadka ku wareejiyay Qudaar iyo lacag gareyso 10-kun oo Dollar.

Deeqdaan waxaa wasiirka kala wareegay Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha mudane Xirsi Gaani iyo qeybaha kale ee guddiga, waxaana wasaaradda uga qeyb qadanaysaa deeqdaan gurmadka loo sameynaayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay weerarkii Xeebta Liido.

Wasiir Mareeyay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan iyagoo gudanaya waajibaadka ka saaran u gurmashada dadka uu dhibku gaaray ay iska soo aruuriyeen deeqda isugu jirta Qudaarta iyo lacag.

Wasiir Maareeye ”Waxaan Qudaar iyo 10-kun oo Dollar soo gaarsiinay dadkii ku dhaawacmey weerarkii Xeebta Liido”.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareey) ayaa dhammaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeystaan khawaarijta arxanka daran ee xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka been sheegay Diinteenna Suubban ee Islaamka ah.