Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Aljeeriya ee dhinacyada beeraha, waraabka iyo sugnaanta cuntada, iyadoo laga anbaqaadayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta nidaamyada waraabka, maaraynta khayraadka biyaha, cilmi-baarista beeraha, tiknoolajiyadda iyo dhiirrigelinta maalgashiga beeraha.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Aljeeriya taageerada iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.








