Wasiir Maareeye oo soo xiray Mashruuca Kobcinta Beeraha yar yar

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta soo xiray Mashruuca Kobcinta Beeraha yar yar.

Mashruucan waxaa maalgaliyay Dowlada Sweden waxaana fulintiisa iska kaashaday Hay’adda Beeraha Adduunka ee FAO iyo Hay’adda cunnada Qaramada Midoobay ee WFP, iyadoo ay ka faa’iideysteen qaar ka mid ah beeraleyda Soomaliyeed.