Wasiir Maareeye oo qaabilay madaxa xafiiska FAO ee Soomaaliya

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey madaxa ugu sareeya hey’adda FAO-Somalia.

Masuuliyiintaan ayaa Wasaaradda ku wareejiyay agab xafiiseed kaasoo loogu talagalay Xarunta Hal-abuurka iyo Horumarinta Ganacsiga Beeraha (CIAD), si loo xoojiyo howlaha xarunta iyo taageerada la siiyo dhallinyarada iyo hal-abuurka qaybta beeraha.

Hay’adda FAO ayaa door weyn ka qaadatay dhismaha iyo hirgelinta xaruntan, iyada oo ujeedadu tahay in la dhiirrigeliyo hal-abuurka dhalinyarada, la kobciyo ganacsiga beeraha, isla markaana la taageero dhallinyarada Soomaaliyeed si ay uga qayb qaataan horumarinta iyo casriyeynta beeraha dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa uga mahadceliyay hay’adda FAO taageerada iyo wada shaqeynta joogtada ah ee kala dhaxeysa Wasaaradda, isagoo ku amaanay doorka muuqda ee ay ka qaadaneyso horumarinta iyo kobcinta beeraha.