Wasiir Maareeye oo kormeeray goobta lagu baaro gaadiidka Muqdisho keena qudaarta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka jawaabayay cabashada Ganacsatada Khudaarta ayaa saaka kormeer ku tagay Aargada Deyniile oo ay ku xayiranyihiin Baabuurta Khudaarta soo galiya Muqdisho.

Wasiir Maareeye oo ku sugan halka lagu baaro gaadiidka qudaarta ka keena gobollada dalka ayaa bogaadiyay gaadiidleyda iyo dadka ka ganacsada dalagga ka soo go’a beeraha dalka, wuxuuna ku ammaanay dulqaadka ay sameeyaan iyadoo ay xun yihiin waddooyinka soo gala caasimadda.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in uu la kulmi doono taliyayaasha ciidamada ee ka howlgala rugta baarista, wuxuuna ballan qaaday in ay fududeyn doonaan habka baarista gaadiidka keena qudaarta.