Wasiir Maareeye oo furay kulan looga hadlayay kobcinta wax soosaarka dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ku dhawaaqay kulan hordhac ah oo ku saabsan “Shirka Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha (NAFIS)” kaasoo diiradda lagu saarayo kobcinta wax soosaarka dalka iyo helidda maalgelin ballaaran oo lagu horumarinaayo dhaqaalaha beeraha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda, agaasimaha guud, agaasime waaxyeedyada, lataliyayaasha iyo qaar ka mid ah howlwadeennada wasaaradda, ganacsatada beeraha, bangiyada, jaamacadaha iyo gabdhaha beeraha ka ganacsado.

Wasiirka waxa uu iftiimiyay in dalalka khaliijka ay maanta si toos ah u muujinayaan xiisaha ay u qabaan maalgelinta wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya, iyaga oo doonaya in ay iska ilaaliyaan cunno yari ku timaadda dadkooda.

Wuxuuna shegay in dalabyo iskaashi iyo maalgelin ay ka imaanayaan wadamadaasi, taas oo Soomaaliya u fureysa fursad dahabi ah.