Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

Muqdisho (Wargeyska Dalka) – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ashkir, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Macallin Xasan, ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere, halkaas oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.

Mas’uuliyiintan ayaa indha-indheeyey heerka uu marayo dhismaha oo haatan gabagabo ku dhow, iyaga oo ka dhageystay Injineerrada iyo howlwadeenada kale ee shaqada qeybta ka ah warbixin ku saabsan waxa qabsoomay iyo inta harsan.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Mudane Ashkir, ayaa ku booriyey in la dardar-geliyo shaqada dhismaha si xaruntu ugu howl-gasho waqtiga ugu dhow, looguna adeego qaranka.