Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo faahfaahiyay muhiimada booqashada Claver Gatete ee Muqdisho

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashada magaalada Muqdisho uu ku yimid Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Claver Gatete.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in imaatinka wafdigan sare ay calaamad u tahay hormarada ay dowlada Soomaliya ay ka samaynayso dhinacyo badan ay ugu wayn tahay iskaashiga caalami ah, Waxa uu tilmaamay in inta ay ku sugan yihiin Muqdisho, wafdiga uu hoggaaminayo Claver Gatete ay booqan doonaan qaar kamid ah wasaaradaha ay wada shaqeynta dhow kala dhaxeyso Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa xusay in wafdigu ay kulamo muhiim ah la qaadan doonaan madaxda ugu sarreysa dalka, si loo sii ambaqaado iskaashiga dhinacyada horumarinta, bini’aadannimada, iyo nabadgelyada.