Riyaad: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirada macdanta ee Jaamacadda Carabta iyo Madasha Caalamiga ah ee Macdanta (Future Minerals Forum – FMF 2026) oo lagu qabtay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Shirka oo ay martigelisay dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa diiradda lagu saaray horumarinta macdanta, baahiyaha caalamiga ah ee khayraadka, iyo muhiimadda maalgashi hufan iyo ka-faa’iidaysi waara.
Mudane Cabdiwahaab(Caananuug) Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Batroolka XFS ayaa kulammo doceedyo la yeeshay wasiirro, khubaro, iyo daneeyayaal caalami ah, isagoo kala hadlay doorka macdantu ka qaadan karto kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo horumar waara.
Sidoo kale, wuxuu la wadaagay daneeyayaasha fursadaha macdanta ee Soomaaliya, khayraadkeeda dabiiciga ah, iyo mowqifkeeda juqraafiyeed ee istiraatiijiga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay dadaalada la xiriir qorshaha shidaal qodista dalka, taasi oo soo dedejinaysa fursad maalgashadayaasha caalamiga iyo Soomaaliya ay isku dhaafsan karaan wax wada qabsi dhanka khayraadka dabiiciga ah.


