Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Madaxa hey’adda UNESCO

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaalla, ayaa xarunta UN-ka ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay madaxa hey’adda UNESCO  ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka, ayaa mas’uuliyiinta UNESCO kala hadlay Sidii ay isaga kaashanlahaayeen horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed, xoojinta iyo adkaynta dhaqanka iyo dalxiiska dalka Soomaaliya.

Labada dhinac, ayaa Isku raacay in la xoojiyo iskaashiga  iyo horumarinta warbaahinta dalka,dhaqanka iyo dalxiiska.