Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Xalay magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano oo masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka qeyb galeen.

 

Madasha ayaa la isku weydaarsaday aragtiyo ku saabsan habsami u socodka doorashada Galmudug, iyadoo masuuliyiinta iyo shacabka ka soo qeyb galay Madasha ay Wasiir Al-Cadaala su’aalo ka weydiiyeen hanaanka loo wajahayo doorashada Galmudug iyo si guud doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka socda.

 

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa si qota dheer u faahfaahiyey sida Dowladda Federaalka ay uga go’antahay in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah, si madaxda hoggaamineysa ay u soo doortaan, iyadoo taas laga duulayana hadda la xaqiijiyey in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, 56 sano kadib.

 

FB_IMG_1783922695086.jpgFB_IMG_1783922740238.jpgFB_IMG_1783922760088.jpgFB_IMG_1783922740238.jpg